Baydhabp(INO)- Kulan loogu hadlaayay amaanka magaalada Beydhabo iyo dagaalka Al-Shabaab oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed soomaaliya ayaa lagu qabtay magaaladaasi.
Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay sidii loo qaadi lahaa isbaarooyin yaalla deegaano ka ka tirsan deegaanada uu ka taliyo maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo ka qeyb galay Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Saraakiisha amaanka ee maamulkaasi.
Wasiirka amniga Koofur galbeed Soomaaliya C/fitaax Ibraahim Geeseey oo kulanka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in si wadajir ah loo go’aansaday in meel loogu soo wada jeesto dagaalka Al-Shabaab iyo qaadista Isbaarooyinka.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo