Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhan ka ah ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ay dhibaato weyn ku hayaan bulshada Soomaaliyeed .
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo midnimada umadda Soomaaliyeed , islamarkaana aan lagu mashquulin waxyaabo hakad galinkara dagaalka lagu la jiro Ururka Al-Shabaab.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay dagaalka Al-Shabaab hal meel uga soo wada jeestaan.
Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)