Dhageyso: Madaxweyme Xasan Sh. oo Weeraray Murashaxiinta & Shillin Soomaaliga..

0
212

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Qodobo Xasaasi ah oo Xilligaan la joogo Si weyn Dadka ay uhadal hayeen jawaab Cadna ka bixiyey.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn sheegay in ay jirto Socdaalkii ay sameenayeen Ee geedi socodka uu yahay mid meeshii la rabay aan gaarin balse wax udhaw ay sameeyeen.

Madaxweynaha ayaa dhaliilay Murashaxiinta La tartameysa Doorashada kuna tilmaamay mid Dacaayad la fadhiyey Meel kasta iyagoo waxba hubsan balse la isla xisaabtami doono markii Dawlad Awood Leh Dalku Yeesho ayna been Abuur tahay lacag la musuq maasuqay oo si gaar ah loo isticmaalay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay inay Wasaarada Maaliyada Ku Guuleysatay isticmaalka Lacagta Kaashka Ah (shillin Soomaaliga) in loo badelo mid adeegsigeeda ka badnaado Lacagaha Bankiyada iyo kuwa Taleefoonada lagu qaato Ee Electronic ahaanta ah.

Arintaasi ayaa la micno ah in dawlada Soomaaliya ay Hormar u aragto Lacagtaasi mid la doonayo in Shillin Soomaaliga la tir tiro xilli Kun uweyn yahay una yar yahay Lacagta Soomaaliya wax sarif ahna aysan laheyn.

Halkan Ka Dhagesyo