85 kun oo qof oo la sheegay inay ku barakaceen dagaalka Gaalkacyo

0
180

Galkacyo(INO)- Hay’adda qaxootiga Norway ee NRC, ayaa waxay shaaca ka qaaday in 85 kun oo qof ku barakaceen dagaalka horaantii bishan ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo.

Hay’addu waxay walaac ka muujisay nolosha qoysaska ka cararay Xarunta Gobolka Mudug, ee gaaray deegaanada ka baxsan Magaalada Gaalkacyo.

C/qaadir Axmed, Agaasimaha Hay’adda NRC ee Somaliya, ayaa wuxuu sheegay inay ka sii dareyso xaaladda bani’aadanimo, ay ku sugan yihiin qoysaska isu deyaaya inay ka baxsadaan colaadda Gaalkacyo.

Agaasimaha, ayaa tilmaamay in xiisadda ku soo korortay Magaalada Gaalkacyo, ay sii murjisay xaaladda nololeyd ee shacabka reer Gaalkacyo.

Agaasimaha, ayaa wuxuu Maamulada Galmudug & Puntland ugu baaqay inay joojiyan dagaalka Gaalkacyo, ayna ka shaqeeyan hab lagu xalin karo dhiilada u dhaxeysa.

C/qaadir Axmed, ayaa qaba labada maamul oo xal ka gaara dagaalka Gaalkacyo, in ay suurtagelin doonto in bulshadu ay noloshooda dib u yegleesho.

Dadka faraha badan ee ka cararay Magaalada Gaalkacyo, ayaa xaalad adag ku wajahaya deegaano ku dhow dhow magaaladaasi.