Dhageyso:Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Hiiraan oo Wejigiisa Dhabta Ah Dadka Tusaya

0
163

Muqdisho(INO)- Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa Socdaal waxay ku tageen Xeradii Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Hiil Walaal Ee Jabuuti Ku Leeyihiin Baledweyne oo Ururka Al Shabaab Dhawaan Weerarka Ismiidaaminta Ka Fuliyeen.

Waxa at Xubnahaasi tageen oo soo arkeen sida uu qaraxa usaameeyey Goobta iyagoo ka tacsiyadeeyey dhibaatadii Shabaab ugeysteen Ee Ciidanka Jabuuti Gaartay.

Gudoomiyaha Cusub Ee Maamuka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Xeradaasi kormeertay islamarkaana sheegay in War badan uusan ka hadleynin maadaama uu cusub yahay Allena ka baryey Xilka loo magacaabay inuusan ku Ceebeynin.

Waxa uu sheegay inuu ka tacsiyadeenayo Dhibaatadii Ciidanka Hiil walaal loo geystay isagoo Tacsi udiray madaxda iyo Shacabka Waddanka Jabuuti.

Sidoo kale waxa uu ku goodiyey in Marka uu Xilka La wareego Amniga Gobolka Hiiraan ay Gacan Bir ah ku qaban doonaan sida uu warka udhigay lagana Dareemi doono Arintaasi Dhamaan Degmooyinka Gobolkaasi.

Halkan Ka Dhageyso