Dhageyso: Maamulka Degmada Tiyeeglow OO Ka Hadlayo Xaalaha Bini’aadanino Ee Degmadaas.

0
200

Gudoomiyaha degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ayaa ka sheekeeyay dhibaatada dhanka caafimaadka iyo raashiin la’aanta ka jirta degmadaasi oo dhawaan wafdi ra’iisul wasaaraha horkacayo gaareen. 

Maxamed Cabdulaahi Xasan Food-cade, gudoomiyaha degmadaasi oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in degmada dhibaatada ka jirta ay ka warqabto xukuumada Soomaaliya, ayna u gudbiyeen wafdigii ra’iisul wasaaraha ee tagay degmadaasi.

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/22115.MP3|autostart=yes]


Arinta ugu daran ayuu ku sheegay raashiinka oo ku yar degmada, kadib markii Alshabaab ay go’doomiyeen muddo maalmo ah iyo xaalado dhanka waxbarashada oo degmada ka taagan, sida uu sheegay Food-cade.

Gudoomiye Food-cade ayaa baaq u diray hayadaha dowliga ah iyo kuwa aanan aheyn inay dadkaasi wax u qabtaan maadaama ay ku dhibaatoonayaan degmada Tayeeglow oo Alshabaab laga saaray.

Degmada Tayeeglow ayaa muddo ka badan 3 sano waxaa maamulayay Alshabaab, sida uu xaqiijiyay gudoomiye Maxamed Cabdulaahi Xasan Food-cade.

tiyeeglow

Idale News Online, Tiyeeglow.