Dhageyso: Maamulka Degmada Qansaxdheere Oo Ka Warbixiyey Xaalada Demadaasi

0
289

Qansaxdheere(INO)- Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobaka Bay ayaa sheegay in dagaal ay ku wajahi doonaan furista qaar ka mid ah wadooyinka gala degmadaasi oo Al-shabaab ay xireen.

qansaxdhere

Gudoomiyaha degmadaasi  Isaaq Cabdi Maxamed  oo u waramay Shabakadda Idale News Online, ayaa sheegay in maamulkooda uu hadda wado qorshe wado furis ah, islamarkaana ay maalmaha soo aadan ay qaadayaan howlgalo arintaasi ku aadan.

“Dhibaatada ugu daran waa Nabad diidka oo xiray wadooyinka, laakiinse baryo kuma fureyno ee waan la dagaalamaynaa, maalmaha soo socdana jawaab tani ku aadan ayaad maqli doontaan” ayuu yir Isaaq.

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Qansaxdheere ayaa faah faahin ka bixiyay isbedalo uu sheegay in dhanka bilicda degmada ay ku sameeyeen, sida dhismaha wadooyin, garoon, iyo goobo caafimaad oo dhamaan lagu dhisay sida uu sheegay iskaa wax u qabso.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Degmada Qansaxdheere  ayaa tilmaamay in aanay jirin hay’ado samafal ah oo gacan siiya dadka danta yar ah ee ku nool degmadaasi, balse shacabka iyo maamulka oo isku duuban ay iyagu isku gurmadaan.

Halkan Ka Dhageyso wareysiga

Idale News Online, Qansaxdheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here