Dhageyso: Maamulka Degmada Buurhakaba Oo Beeniyay In Dad shacab Ah ay dileen

0
235

Buurhakaba ( INO)-ka isagoo u warramayay Shabakadda Idale News Online Guddoomiyaha Maamulka degmada Buurhakaba Cali Xasan Cabdi ayuu beeniyay warar la xiriira dad shacab ah oo Ciidamadooda ay ku dileen deegaanno hoostaga Buurhakabo.

Warar soo baxayay ayaa soo wariyay in Ciidamada degmada Buurhakabada ay dileen  2 qof shacab ahaa oo ku sugnaa deegaanka Jameeca halkaas oo shalay ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda Federaalka iyo Al Shabaab.

Walow uu beeniyay guddoomiyaha Buurhakaba dilka dadkaasi rayidka ah hadana dadka deegaanka ayaa soo wariyay in si bareer ah Ciidamada dowladda ay 2 qof shacab ahaa ugu dileen deegaanka Jameeca ee duleedka degmadaasi.

Ugu dambeyntii, Askarta dowladda KG Soomaaliya ayaa marka ay tagaan deegaanada ay horay ugu sugnaayeen lagu eedeeyaaa in falal dilal ay ka mid yihiin kula kacaan dad shacab ah oo ay ku tuhmaan in ay  xiriir laleeyihiin Al Shabaab iyadoo aan sharciga la horgeynin.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Burhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here