[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/12/KulanCashoRWhore.mp3|autostart=yes]
Ra’iisul wasaaraha xilka ka sii degaya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid ” ayaa waxaa uu casho u sameeyey Ra’iisul wasaaraha cusub Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed, xildhibaano ka soo jeeda beesha Sade iyo xubno uu ku jiro Ugaas Taakooy kuwaasi oo uu uga xog-waramayey xaalka siyaasada dalka.
Cashada oo ka dhacday hoyga uu Saacid Farax ka degan yahay Muqdisho ayaa waxaa ugu horeyn kulanka ka hadlay Saacid Farax oo sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay Dr. Cabdiweli Sheekh ka dib markii isaga uu waayey kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxaan ku faraxsanahay in Dr. Cabdiweli Sheekh uu noqday ninka iga badelaya booska aan hadda ka sii degaayo ee ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaana dhihi karaa waa shaqsi aqoon u leh inuu xilkaan ka soo baxo” ayuu yiri Saacid oo la hadlayey Ra’iisul wasaaraha cusub iyo xubnaha Beesha Sade ee uu caawa kulanka la qaatay.
Idale News ONline, Mogadishu, Somalia