Dhageyso: Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo sheegay tilmaamaha barlamaanku ku taliyey in xukuumada cusub yeelato

0
171
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/12/Cod-Jawaari.mp3|autostart=yes]

Gudoomiyaha Baarlamaaanka Somalia Prof. Maxamed  Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xukuumada cusub ee Somalia ay ku xulan doonaan Barnaamijka ay la imaaneyso.

Wuxuu sheegay in Xubnaha ka mid noqonaya xukuumada Cusub aysan ku xulan doonin shaqsiyada qofka iyo Heybta uu kasoo jeedo balse ay ku xulanayaa aqoonta, kartida  uu leeyahay shaqada uu qabanaayo.

Gudoomiye Jawaari ayaa yiri’ Waa hebel Ama waa reer hebel ninkaan codka uma siin doono mana ku dooran doono hadii aan nahay golaha shacabka laakiin barnaamijka uu la yimaado ayaa lagu tixgalin doonaa.”

Maalinta Sabtida ee barito ah ayaa ra’iisul wasaaraha cusub la hor keeni doonaa barlamaanka Soomaaliya si uu codka kalsoonida barlamaanka u weydiisto, waxaana si cad u muuqata in Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Dr. Abdiwali Sheikh Axmed Max;ed “Baardheer ” uu heli doono codka kalsoonida barlamaanka, ka dibna waxaa looga fadhiyaa in ka hor dhamaanka sanadkaan uu soo magacaabo gole wasiiro oo lagu sheegay iney u dhaxeeyaa 18 ilaa 23 xubnood., kuwaasoo iyaguna la horgeyn doono barlamaanka ka hor inta aysan shaqadooda guda gelin.

profJawaari

Idale News Online Mogadishu,