Xudur(INO) Maamulka degmada Xudur ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay iney bilaabayaan howlgallo Alshabaab looga safaynayo tuulooyinka hoos yimaada degmada Xudur ee gobolka Bay.
Gudoomiyaha degmada Xudur ee dowladda Soomaaliya Maxamed Macalin ayaa sheegay inay degmada xudur tuulooyinka ku dhow dhow ka bilaabayaan howlgallo Alshabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Baay,wuxuuna tilmaamay inay dib u furayaan wadooyinka ay Alshabaab go’doomiyeen.
Dhanka kale gudoomiyaha degmada Xudur ee dowladda Soomaaliya Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay hay’adaha deeqaha bixiya inay gargaar la gaaraan dadka ku dhibaataysan tuulooyinka hoos yimaada degmada Xudur ee gobolka Bay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo