Daawo: Gudiga Nabadda Ee Degmada Baydhabo Oo Xusey Maalinta Nabadda Aduunka

0
243

Baydhabo9(INO)-Munaasabadan oo aheyd mid lagu xusayay  Maalinta Nabada Aduunka oo ku beegan 21 -ka september oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda KGS oo Ugu Hooreyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha KGS Mudane Maxamed Xasan Fiqi , Wasiirka Hub Ka Dhigista,Dhaqan Celinta Iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Mudane Xasan Xuseen Maxamed, Saraakiisha Ciidamada AMISOM, Maamulka Gobolka Bay Kan Degmada Saraakiisha Ciidanka Booliska odayasha dhalinyarada haweenka iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha Magaalada Baydhabo.

Ugu Horeyn Waxaa Ka Hadley Gudoomiyaha Gudiga Nabadda Ee Degmada Baydhabo Xuseen Axmed Mursal isagoona sheegay In ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabada isagoo sidoo kale  sheegay in bulshada ku nool Gobolka Bay looga bahan yahay in laga wada qeyb qaato sidii nabad looga shaqeyn laha.

Guudoomiyaha Gudiga Nabadda Ee Degmada Baydhabo(BDPC)  Mudane  Xuseen Axmed Mursal ayaa sheegay in Munaasabada lagu xusayo maalinta Nabad Aduunka ay soo qaban qabiyeen Gudiga BDPC islamarkanaa ujeedka laga leeyahay ay tahay sidii bulshada loogu wacyigalin laha nabada.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo  ayaa sheegay in Bulshada ku nool Gobolka Bay looga bahan yahay in ay Ciidanka Booliska kala shaqeeyan Nabad galyada waxaan ugu baqay ka qeyb galayaashi munasabada lagu xusayay Maalinta Nabad Aduunka in ay ka fogadan qabyaalada.

Ugu Dambeyntii ,Guud ahaanba maanta oo kale waxa dalka siweyn looga xusay munaasabada lagu maamusayo Maalinta Nabada Aduunka oo ku beegan 21 -ka  september.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here