Dhageyso: Golaha Ciidanka qalabka-sida ee Masar oo Jeneraal Siisi u sharxay doorashada Madaxtinimada Masar una dalacsiiyey darajada Marshaal

0
209
[audio:http://realaudio.rferl.org/voa/SO/2014/01/27/b23506b4-d9a1-447c-9cef-d6469f4d9d10.mp3|autostart=yes]

Golaha sare ee Miltariga dalka Masar ayaa isku raacay in Taliyaha Ciidamada Masar Gen. Cabdifataax Siisii uu isku soo sharaxo tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.  Gen. Siisi ayaa sidoo kale waxa uu hayaa xilka wasaaradda gaashaandhigga.  Sida dastuurku dhigayo waa inuu horta iska casilo xilalka uu hayo kadibna uu ka qayb galo tartanka doorashada isaga oo rayid ah.

Egyptian supporters of Egypt's Muslim Br
Dhinaca kalena madaxweynaha Ku meel gaarkaah ee dalka Masar Cadli Mnasuur ayaa maanta soo saaray xeer lagu dalacsiinayo General Siisi oo loo dallacsiiyay darajada Milatariga ugu sarraysa ee Marshaal.