Dhageyso: Dr C/raxmaan Baadiyow oo khudbad qiimo badan kaga hadlay dowladnimada, mideynta Somalida iyo hab dhaqanka siyaasiyiinta hogaanka dalka

0
218
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/01/Drbaadiyoow.mp3|autostart=yes]

Waxaa magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta Hay’adda PDRC ka furmay dood looga arinsanayo xaalada uu dalka marayo iyo sidii looga qayb qaadan lahaa bad baadintiisa,waxana kasoo qayb galay siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi. Dr. CabdiRaxmaan Baadiyow, R/w ku xigeenkii Badbaado Qaran Cabdiwahaab Ugaas Khaalif, siyaasiyiintii u tartamay jagada madaxtinimadda Puntland oo uu ka mid yahay Cali Xaaji Yuusuf, Aqoon yahano, mamulka Gobalka Nugaal iyo madaxda PDRC.

Ujeedka doodaan ayaa salka ku haysa sidii looga hadli lahaa marxalada uu wadanku marayo iyo sidii looga gudbi lahaa ku dhaqanka qabiilka oo sanooyin badan dalka ragaadiyay,dadka Soomaaliyeedna kala kaxeeyay,waxana soo qaban qaabiyay doodaan Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo kaashanaya Hay’adda PDRC.

Gudomiyaha Gobalka oo ugu horayntii kulanka ka halday ayaa sheegay inay is-waydiin lee dahay sababta ay dadka Soomaaliyeed uga fakari la yihiin mustaqbalkooda danbe iyo in meel la iska dhigo qabyaalada,wuxuna tilmaamay dadka inay aad u jecel yihiin in hormar la gaaro balse ficilkii gacmaha laga laabanayo,ugu danbayntii Qarjab waxa rajo wanaagsan ka muujiyay inay doodu kasoo bixi doonto wax anfac leh.

Siyaasiyiintii madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cali Maxmed Geedi,Dr.Baadiyow iyo Cabdiwahaab Ugaas Khaliif waxayna marka hore boggaadiyay habkii ay u dhacday doorashada Puntland oo ay ku tilmaameen inay qayb ka tahay nidaamka dimoqraadiyada oo Puntland si wanaagsan u gaaray.

Masuuliyiintan waxay qireen in xaalada wadanku uu ka bixi karo marka ay dadka Soomaaliyeed usoo jeestaan inay wax qabsadaan oo ay la xisaab-tamaan dowladooda,waxayna sheegeen umaddda Soomaaliyeed in la iskugu keeni karo nidaamka federaalka oo loo arkay inuu yahay kan kaliya ee hadda wadanku u baahan yahay.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa raggii u tartamay xilka madaxtinimadda dowladda Puntland ayaa sheegay doorashadii ka dhacday 8-Janaayo Puntland inay calaamad u tahay hormarka iyo bisaylka siyasadeed ee ay shacabka iyo madaxda Puntlad gaareen,wuxuna iftiimiyay wixii Puntland ka dhacay inay Soomaalida oo idil ay ku najaxeen una arkeen mid dalka oo dhan looga wada baahan yahay.

Doodaan oo noqotay tii ugu horeeyay oo xaalada wadanka lagu lafo guro ayaa lagu wadaa maalinta barito ah in si qoto dheer la isku waydaarsado xalka uu dalku u baahan yahay iyo sida loo tiigsan karo isku filnaansho.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadama oo illaahay ku manaystay khayraad kala duwan hase-yeeshee dadka Soomaaliyeed ay ka qatan yihiin,waxana lagu tilmaamay aqoon dari iyo mamul xumo haysta.

Waxaa kaloo xusid mudan in Hay’adda PDRC ay door muuqda ka qaadatay qabsoomida doodaan oo loo arkay inay xili-kan ku haboon tahay.

BAADIYOW

Idale News Online, Puntland