Garowe(INO)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka qanciyay tuhun badan oo ay qabeen, kaasi oo ahaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xuquuq uga maqan tahay marka ay timaado qeybsiga deeqaha caalamiga ah, wuxuuna caddeeyay in madaxweynaha markii ay wada hadleen uu u sheegay in aaney jirin wax deeqo ah oo soo gaaray dowladda Federaalka.
Wuxuu intaas ku daray in ay xasaasiyad badan ka qabaan Dastuurka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay dastuurka ay raacsan yihiin uu yahay midkii sida uu yiri lixda saxiix lahaa. C/weli Gaas ayaa intaas kaddib ku faanay in dastuurka federaalka ay la socdaan, xittaa ay Riyaha Garowe jooga ay xafidsan yihiin.
“Annaga waxaan niraahnaa Riyaha Garowe jooga xittaa Dastuurka kor ayay ka xafidsan yihiin, marka Madaxweyne haddii aad aragto Ri’ ku ag-wareegeysa qodob dastuurka ka mid ah oo la bedelay ayay dacwo ka tahay, marka sidaas la soco”ayuu yiri C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Garowe