Muqdisho(INO)-Munaasabad lagu xusayay maalinta shaqaalaha Adduunka ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadda soo qaban qaabiyay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (XUSS).
Munaasabadda oo lagu qabtay Hotelka Diplomat ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay dad badan oo isugu jiray dadka loo shaqeeyo iyo shaqaalaha rayidka ah, dad u dooda xuquuqda shaqaalaha, xildhibaano, Guddoomiyaha degmada Hodan iyo xubno ka socday bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Xoghayaha guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in wixii maanta ka billowda ay billaabi doonaan olole shaqaalaha ay ku difaacanayaan xuquuqdooda, wuxuuna sheegay in haddii shaqaalaha ay awooddooda isticmaalaan ay ka adkaan karaan dadka loo shaqeeyo ee ku tacaddiya xuquuqda shaqaalaha.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Muqdisho