Dhageyso: Dowlada Masar oo kor u qaadeysa deeqaha Waxbarasho Ee Dalka Soomaaliya

0
199

Cairo(INO)-Siihayaha wasiirka arimaha dibada xukuumadii kalsoonida lagala noqday ee C/wali Sheikh Axmed ayaa sheegay in Dowlada Masar u balan qaaday Soomaaliya inay kor u qaadeyso deeqaha Waxbarasho ay siiso. 

ducaale
Wuxuu Sheegay wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle in Dowlada Masar balan qaad rasmi ah oo ku aadan sare u qaadista Waxbarashada dhalinta Soomaaliyeed ku dadaaleyso,isagoona shaaca ka qaaday in Masar bixineysa Waxbarashada heerarka kala duwan Sida Jaamacada iyo aqoon kororsi ku aadan diyaarinta Masterka iyo PHD-ga.

Dowlada Masar ayaa horay deeq waxbarasho u siineysa ardayda Soomaaliyeed,waxayna hada balanqaad hor leh oo intaasi ka sii dheer u sameysay ardayda waxbarshada heerkooda kala duwan ku jira.

 Halkan Ka Dhageyso Codka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa dhawaan tagay Masar, isagoona halkaasi kula soo kulmay mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowlada Masar uu ugu horeeyo madaxweynaha Masar C/fitaax Alsiisi iyo xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta.

Waxayna ka wada hadleen mas’uuliyiinta sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga Soomaaliya kala dhaxeeya Masar iyo Jaamacada Carabta.

Idale News Online, Cairo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here