Dhageyso: DFS oo Isku Diyaarinaysa Dib Uqabsashada Degaanka Leego Ee G/Sh/Hoose

0
215

Marka(INO)– Maamulka gobalka Shabeelada Hoose ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaarinayan howlgal balaaran oo Shabaab looga saarayo deegaanka Leego oo ay wali gacanta ku hayaan, markii ay ka qabsadeen ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, khasaare xoog lehna uu ka dhashay weerarkaas.

siidii

Gudoomiyaha gobalka Shabeelada Hoose Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in ay ilaa hada nabad qabaan Gudoomiyihii magaalada Leego iyo shaqsiyaad ka mid ah maamulka magaaladaas, kuwaas oo ka baxsaday magaalada markii ay qabsadeen Maleeshiyada Shabaab.

Mr, Siidii wuxuu sheegay in ay AMISOM iyo dawladduba hada ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey oo ay adag ula dagaalami doonaan kooxahan ka soo horjeedo amaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Khasaaraha aan wali fadhiyin ee ka dhashay weerarkii lagu qaaday Saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda ee Leego ayuu ku sheegay gudoomiyuhu mid kooban, isla markaasna ay shaacin doonto dawladda Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here