Leego(INO)-iyadoo dagaal xoogan uu ka dhacey Gudaha degaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose isla markaana Xoogaga Mayalka Adag Ee Soomaalida Al-shabaab ay qabsadeen xaruntii AMISOM Ee Leego ayaa waxa ka hadley wasiirka wasaaradda Dalxiiska iyo duur-joogta Ee Dowladda KGS.
Wasiirka Wasaaradda Dalxiisa iyo Duur-joogta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cumar Aadan Xasan(Cumar dheere) ayaa sheegey in ciidamada Dowlada Federal soomaaliya iyo kuwo dowladda Koonfur Galbeed Soomaliya ay kaga dhinteen dagaalkaasi ilaa iyo 7 Askari isla markaana waxa uu sheegey in Saacadaha Soo socoda gudaha ay u galayaan Degaanka leego ee Gobolka Shabellaha Hoose. waxana uu beeniyey in tiro badan oo DFS Lagu diley dagaalkaasi.
Wasiir Cumar Aadan Xasan ayaa shegeey in inka badan 1500 dagaal yahnad al-shabaab ah weerar ku soo galaaan Degaanka Leego ee Gobolka Shabellaha hoose isla markaana waxa uu xusey in 500 oo ka mid ah ay wataan qoriga oo yaqaano PKM ama daba-jeexga kuwaasoo sida uu sheegeen aad u xooganaayeen.
” Qaabka ay ugu suura-gashey waxa waaye Ciidanku waxay ahaayen 1500 dagaal yahno ah 500 oo ka mid ah waxay ku hubeysanaayeen Qoriga PKM ah waxay ka soo galeen dhanka Ciidamada AMISOM Gudoomiye Ku Xigeen Degaanka Leego Meeshaasi ayuu ku dhintey, Gudoomiyaha Leego iyo Aniga iyo ciidamadii nala joogey ayaa meesha Ka Baxay” ayuu yiri wasiirka Dalxiiska Iyo Duur-joogta ee Konfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Leego