Dhageyso: DFS iyo KGS oo la sheegay in ay Mas’uul ka yihiin wixii ku Dhaca Shacabka ku Nool KGS

0
205

Baydhabo(INO)- Ugaas Saciid Sheekh Maxamed oo ka mid ah Ugaasyada Degaanada koonfur Galbeed soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qorsho la’aanta Dowladda ka haysata Ciidamada AMISOM,Isagoona sheegay in Dowladda mar waliba ay ku Guul dareysatay in ay xasiliso Shacabka dagan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya taasoo uu sheegay in ay masuuliyadooda qaadanayaan Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliaya.

Ugsaaska ayaa cadeeyay in shacabka aysan u dulqaadan Karin in ay ka guuraan guryahooda madama Dowladda ay ka baxeyso meelaha ay qabsatay iyadoona hadana ay dib ugu soo rogaal celiso meelaha ay ka baxday Shacabkuna ay ku dhalineeyso barakac baahsan,Islamarkaana wuxuu codsaday Ugaaska in si wadajir ah loogu Gurmado dDadkaasi ka barakacay Deegano uu isga qeexayo.

Ugu dambeyntii, Dowladda itoobiya ayaa waxa ay faarujisay deegaano iyo dagmooyin hoos taga  Koonfur Galbeed iyo gobalka Hiiraan wallow ay u badan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso