Wararaka laga helayo Deegaanka Jameeca ee Hoostagta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegay in Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay Dad ku Xirxireen Deegaanka Jameeca.
waxaana Dadka lagu Xiray Deegaanka Jameeca ay gaaray ugu yaraan 20 Ruux oo ka mid ahaa Dadka Deegaanka,kuwaas oo diiday in ay bixiyaan lacago Sakawaad oo Al-shabaab ay dadka ku Amreen in ay bixiyaan.
Gudoomiye kuxigeenka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Xuseen Macali Cali ayaa Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho u sheegay in Maamul kooda ay Xoog ku soo Furan doonaan dadkaasi lagu Xiray Deegaanka Jameeca.
Halkaan Hoose ka dhageyso war ku saabsan Dadka lagu Xiray deegaanka jameeca.
[audio:http://r9—sn-npo7en7y.googlevideo.com/videoplayback?mt=1403097380&gir=yes&sver=3&sparams=clen%2Cctier%2Cdur%2Cgir%2Cid%2Cip%2Cipbits%2Citag%2Clmt%2Csource%2Cupn%2Cexpire&ms=au&itag=140&ipbits=0&dur=146.285&lmt=1390121953911326&ip=197.231.200.16&clen=2323975&expire=1403120438&ctier=L&mv=m&upn=P14OAYgU2Iw&source=youtube&fexp=902408%2C930008%2C931023%2C933907%2C934026%2C936117%2C936210%2C945025&id=o-APkO38OyolPqRbm0rBi5wCAruylUz8wG1PIDGaKLEkUw&key=yt5&signature=76CBB3F3A443916AA86FEB5693C1730B82C7CDDB.411AEAAC267A576281196A6256519EC2B2F192BF&mws=yes&cpn=6XX1Plqqm2salB-v&alr=yes&ratebypass=yes&mime=audio%2Fmp4&c=web&cver=html5&range=0-65535&keepalive=yes&playerretry=2|autostart=yes]