Muqdisho(INO)-Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ayaa howgal ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Magaalada Baledweyne , waxa ay kusoo qabteen Walxaha Qarxa.
Howgalka oo ka dhacay degaanka Ceel -gaal oo ku yaalla duleedka Magaalada Baledweyne ayaa ciidanka Nabad sugidda waxa ay gacanta ku soo dhigeen miinooyin Alshabaab ay ku uruursanayeen degaanka Ceel-gaal .
Saraakiisha Ciidamadda Howgalkan fuliyay ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in miinoyinkan ay Shabaab ku aruurinayeen goob kamid ah degaanka Ceel-gaal.
Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda ee Gobolka Hiiraan Xasan kaafi Maxamed oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ciidanka Nabad suggida Soomaaliya qeybta gobolka Hiiraan iyo sidoo kale dadka degaanka oo iskaashanaya ay gacanta kusoo dhigeen minooyinkaasi.