Dhageyso: C/hi Sheikh Ismaaciil “Fartaag” oo si kulul u weeraray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

0
228

General Cabdullahi Sheikh Ismaacil Fartaag oo ah madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, garabka Axmed Madoobe, ayaa wareysi uu kaga hadlay dhismaha maamulka Jubbaland siiyey idaacad ku talla magaalada Muqdisho.

Fartaag, ayaa sheegay in maamulkiisa uu yahay kan xalaasha ah ee ka jira Jubbooyinka, wixii kasoo harana ay yihiin magac u yaal.

Waxa uu shaaca ka qaaday in Barre Hiiraale uu tanaasulay, islamarkaana ay taas ku qanciyeen guddigii IGAD ee dhowaan boqoday Kismaayo, hase yeeshee ma jirto cid kaleoo xaqjiin karta sheegashadiisa.

Fartaag, ayaa dhinaca kalena weerar ku qaaday madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamed, oo uu ku eedeeyay inuu fara-gelin ku hayo wax uu ugu yeeray “rabitaanka shacabka Jubbooyinka”.

“Xasan Sheikh waxba yuusan ku mashquulin Jubbaland, ee xal ha u helo madaafiicda mar kasta ugu soo dhaceysa Villa Somalia, ammaanna ha ka dhigo Muqdisho” ayuu yiri Fartaag.

Dhageyso Fartaag: [audio:http://caasimada.com/wp-content/uploads/2013/05/Generaal-Cabdulaahi-Sheekh-Ismaaciil-Fartaag-Madaxweyne-ku-xigeenka-Jubba-land.mp3]

Idale News Online