Ra’iisul Wasaare Saacid oo sheegey in dowladiisa ay soo gaareen qaar ka mid ah dhaqaalihii shirkii London loogu yaboohey Somalia

0
199

Xukuumada Federaalka  ee Soomaaliya ayaa ka hadashay kororka dhaqaalaha dalka  kadib qabsoomidii  shirkii London iyo iskaashiga ay shacbiga Soomaaliyeed u muujiyeen dowladooda.

R/wasaaraha Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in isbedel uu ku yimid daqliga dowlada kadib markii ay dowladu gacanta ku dhigtay dhaqaale badan oo aduunku ku yaboohay, kuwaas oo intooda badan ka yimid yaboohii shirkii London.

Sidoo kale R/wasaare Saacid oo hadalkiisa siiw ata ayaa intaa raaciyay in daqligaasi uu gaaridoono ummadda Soomaaliyeed caasimaduna ay tahay meesha ugu horeysa ee isbedel laga dareemidoono.

‘’Todobaadyadii la soo dhaafay waxaan helnay dhanka maaliyadda kabid dhaqaale, waxaan arajeyneynaa inaanu kaalmo kale oo maaliyadeed aynu helidoono, kororka dhaqaalaha dalkuna kor ayuu usii kacayaa’’ ayuu yiri R/wasaare Saacid.

R/wasaare Saacid ayaa soo hadalqaaday wadahadalada Soomaaliland wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladu ay u diyaargarowday shirka ay dhawaan la yeelandoonto walaalaha Soomaaliland,  isagoo rajo ka muujiyay in shirkaasi ay ka soo bixidoonaan go’aano taariikhi ah,  wuxuuna tibaaxay in siyaasada dowlada ay ku saleysantahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

‘’waxaan rabaa inaan ummadda Soomalaiyeed u sheegno in muddo kadib aynu gaarno Soomaaliya oo Federaal ah, nabad ah sharciguna u taliyo oo mid ah waa hadafkayaga, wax walba oo arintaasi noo fududeeynayana waanu ku dhaqaaqeeynaa’’ Sidaasi waxaa yiri R/wasaare Saacid.

Siyaasada cusub ee Soomaaliya ee ku wajahan gudaha iyo dibada ayaa loo arkaa iney ku socoto wadadii guusha.

Xigasho: Radio Muqdisho, Soomaaliya