Dhageyso: Caruurta Darbi Jiifta Baydhabo Oo Daryeel Loo Fidiyey

0
336

Baydhabo(INO)- Carruur ay da’dooda u dhaxeyso 7 jir ilaa 13 jir oo ahaa derbi-jiif ku dayacnaa waddooyinka Baydhabo ayaa loo aasaasay xarun lagu daryeelo oo u noqotay hooy ay ka helaan cunto, waxbarasho iyo xannaanada ay u baahan yihiin. Xarunta ayaa noqotay tii ugu horreysay ee nooceeda ah ayaa laga hirgeliyay magaaladaas.

SONY DSC

Idiris Cabdi oo ah aasaasaha xarunta ayaa Warbaahinta u sheegay in carruurta oo ay tiradooda gaarayso ilaa 30 qof ay qaar ka tirsan ka joojiyeen waxyaabaha maanka dooriya oo ay isticmaali jireen. “Waxaan siinnaa qado, quraac iyo casho. Labo macallin ayaan u keennay, mid maaddiga ayuu baraa midna diinta,” ayuu yiri. Wuxuu xusay inay xarunta joogaan labo haween ah oo carruurta xannaaneeya iyo nin ilaalo ah.

Maxamuud Ibraahim Macallin waa 13 jir agoon ah oo ka mid noqday carruurtii ugu horreysay ee xarunta lagu billaabay markii la aasaasay 15kii Oktoobar ee sanadkii hore, wuxuu Warbaahinta u sheegay in xarunta ka hor uu maalintii garaabo (haraaga jaadka) ka urursan jiray waddooyinka, kaddibna uu sii iibsan jiray si uu nolol-maalmeedkiisa ugu maareeyo, habeenkiina uu gidaarrada seexan jiray, balse hadda uu helay xannaano uu ku faraxsan yahay.

Idiris oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa tilmaamay in xarunta oo ay u bixiyeen Homeless Children Centre ay fikraddeeda ku soo dhacday xilli habeen ah oo isagoo magaalada dhex socda uu arkay carruur dayacan oo uu ku da’ayo roob xooggan. “Ma aysan haysan gabbaad, waxayna ku dul jiifeen baakado ay saarteen derbi dhagax ah,” ayuu yiri. Wuxuu xusay inuu ka damqaday dhibaatada uu ku arkay carruurtaas, “Sida ay carruurteenna u helaan daryeel waalid, waxbarasho iyo caafimaad ayuu kuwaanna waajib nooga saaran yahay inaan xannaaneyno,” ayuu yiri. Wuxuu xusay inuu maalmo kaddib carruurta u kireeyay dhisme weyn oo hoteel ahaan jiray, dad kalena ay ka caawiyeen dhinaca gogosha.

Cabdi Maxamed Cali oo ah 12 jir ayaa isagoo xusuusanaya noloshiisii hore ee derbijiifnimada wuxuu noo sheegay inay gogol u ahaayeen baakado wasakh ah oo uu khashinka kala soo bixi jiray kuwaasoo mararka qaar qoyanaa, taasoo ay u sii dheereyd dhaxanta iyo kaneecada oo joogto u cuni jirtay, maaddaama uusan heli jirin wax uu ka huwado.

Cabdi ayaa xusay in hooyadiis iyo aabbihiis ay kala tageen isagoo 7 jir ah, kaddib markuu waayay cid noloshiisa daryeeshana uu ku biiray carruurta derbijiifka ku ah Baydhabo oo lagu qiyaaso ku dhowaad 200 oo carruur ah oo ay xitaa gabdho ku jiraan. Hadda Cabdi waa qof hammi leh oo ku hanweyn inuu ka faa’ideysto fursaddan. “Waxan jecelahay inaan noqdo nin waxbaratay oo mustaqbalka waxtara noloshiisa iyo bulshada,” ayuu yiri isagoo dhoolla-caddeynaya.

Ugu dambeyntii, Idiris wuxuu tilmaamay in daryeelka carruurta uu bil kasta ku bixiyo $800, lacagtaas oo uu sheegay in uusan awoodi karin keligiis inuu sii bixiyo muddo dheer. Wuxuu Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed iyo qurbajoogta ka codsaday inay ka caawiyaan sidii carruurta loogu heli lahaa xarun joogto ah iyo xannaanada ay u baahan yihiin, maaddaama xarunta ay hadda ku jiraan ay tahay mid kumeel-gaar ah oo muddo kooban laga kireeyay.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here