Muqdisho(INO)— Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow xiriirka u jartay dowladda Iiraan, iyadoo ku biirtay dowladaha Carbeed ee garab istaaga u muujiyay dowladda Sacuudiga Carabiya.
Kulan Golaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray go’aan rasmi ah oo xiriirka loogu jaray Iiraan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhowaan war saxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii Safaaradda Sacuudiga ee Tehran lagu qaaday.
Soomaaliya ayaa ku biirtay, dowladaha Jabuuti, Baxreyn, iyo Sudan oo xiriirka u jaray Iiraan, iyadoo dowladaha Jordan, Kuwait iyo Qadar ay u yeerteen Safiiradooda u joogay Tehran, halka Imaaraadka Carabta ay hoos u dhigtay howlihii diblomaasiyadeed ee Iiraan.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Idale News Online, Muqdisho