Dhageyso: Caruur ku geeriyootay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

0
225

Marka ( INO)-Tuulada Halimow oo 15 Km  u jirta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacdo saameyn xoogan ku reebtay dadka deegaanka.

Dhacdadani ayaa ahayd Aabo Caruur ay ka xanuunsaneed  oo sitay Sunta dhilqaha markii uu Sharoob ka soo gatay Pharmacy iyadoona hooyada ay si Hubsiimo la’aan ah caruurtii u siisay Sunta Dhilqaha.

Waxaana ku geeriyooday 2 Caruur ah halka mid kale uu haatan yahay Garab islamarkaana lala tacaalayo xaaladdiisa.

Waa Dhacdo murug leh ee ay aad ula dhakafaareen dadka Shacabka ah ee ku nool Gobolka Shabeelaha Hoose.