Warbixin: Doorashadda Guddoonka BFS iyo Hardanka Adag ee Ka Dhaxeeya Musharixiinta

0
179

Muqdisho(INO)—Doorashada Sanadkaan oo ka duwan doorashadii 2012 ayaa xambaarsan tartan iyo loolan adag oo u dhaxeeya musharixiinta doonaysa xilka guddoonka baarlamaanka, ku xigeenada iyo madaxweynaha dalka.

Waxaa jiro isbaheysiyo horey u jiray iyo kuwo cusub oo sameysmay labadii sano ee ugu dambeeyay, waxaana ujeedada isbaheysiyada tahay ku guuleysiga hogaanka dalka Soomaaliya.

Xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waxaa u taagan musharixiin siyaasadda Soomaaliya ku soo jiray ilaa dowladdii Siyaad Barre iyo kuwo ku cusub saaxada siyaasadda dalka.

Laakiin waxaa muuqata awoodo dhaqaalo iyo isku haleyn musharixiinta qaar ay qabaan.

Guddoomiyihii baarlamaanka sagaalaad Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa doonaya inuu markale kusoo laabtaa hogaamin xildhibaanada baarlamaanka.

C/rashiid Maxamed Xidig oo wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle kasoo noqday dowladii KMG ahaa iyo dowladda hadda waqtiga ka dhamaaday ayaa dhankiisa doonaya markiisii ugu horeysay  inuu hogaamiyaa baarlamaanka.

Sidoo kale musharixiin kale ayaa doonaya qabashada xilka guddoonka baarlamaanka, waxaana musharixiinta ugu badan ay kasoo jeedaan deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Inta badan qabshada xilka guddoonka baarlamaanka ayaa lagu yaqaanay shaqsiyaadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed, balse sanadkaan waxaa xiiso u yeelay doorashada markii ay xilkaasi isku soo sharaxeen shaqsiyaad kasoo jeeda Jubbaland iyo Puntland.

Saadaalinta ugu badan labada musharax ee gaari karta wareega ugu dambeeya doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa kala ah C/rashiid Maxamed Xidig iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxaana labadaasi ruux cidda ku guuleysataa xilka guddoonka baarlamaanka ay go’aamineysa cidda noqoneysa madaxweynaha dalka.

Dhinaca kale doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa xiiso leh, maadaama uu sanadkaan musharixiinta uu kusoo biiray Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo saaxiibo dhow yihiin Xasan Sheikh Maxamuud.

Afar maalin kadib ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlaamanka, waxaana ku xigi doona gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka.

Waxaa haatan bilowday hardan adag oo loo galayo hanashada guddoonka baarlamaanka oo ay sameynayaan musharixiinta madaxweynaha dalka, waxaana magaalada Muqdisho ka socdo kala jiidasho xildhibaanada golaha shacabka ee lagu soo doortay goboladda dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Musharixiinta ugu cad cad xilka madaxweynaha ayaa midkiiba wuxuu la kulmay xildhibaanada aqalka sare iyo golaha shacabka ee lagu soo doortay maamul goboleedyada, waxaana mid kastaa uu balanqaad u sameeyay xildhibaanada uu la kulmay.