Dhageyso: Caasho Axmed Cabdalla: “Dowlad seddex nin lama arkin, ee dalka Somalia yaan lagu celin 1991kii”

0
211

Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya horeyna usoo noqotay xildhibaan iyo Wasiir ayaa kahadashay shirkii lagu taageerayay Jubbaland ee lagu qabtay Magaalada Nairobi.

[audio:http://warqabad24.com/wp-content/uploads/2013/04/DHAGEYSO-CAASHA-CABDALLA-AXMED-.mp3]

Arimaha ay Caasho kahadashay waxaa kamid ah qaabka ay u shaqeyso dowlada Soomaaliya “Xasan Sh isaga oo aan madaxweyne aheyn oo ka shaqeeya CRD ayuu igu balamiyay Xaflad uu qabanayay, waan ka daahay xiligaas anigoo wasiir ah, waxaan isdhahay waa uu kaa xanaaqay laakiin markaan utagay waxaan arkay isagoo qoslaya, markaas ayaan ku dhahay waxaad uqalantaa madaxweyne ee raadso” ayay Caasho Axmed Cabdalla ka sheegtay madasha.

“Sidoo kale waxaan kula taliyay maadaama uu yahay nin aqoon yahan ah inuu furto machad isaga ugaar ah oo uu dadka kusoo saaro, waanadaasna waa iga qaatay, madax adeygna kuma aan ogayn laakiin mida haatan aan ujeedo waa mid aan uga baran: ayay sheegtay Xildhibaan Hore Caasho.

Gudoomiyaha Xisbi ay ku bahaysan yihiin Xildhibaano hore iyo siyaasiyiin gaaraya ilaa 500 Caasho Axmed Cabdalla ayaa sheegtay inay qaadan doonaan go’aan adag oo ay ku dhawaaqi doonaan dowlad lamid ah tan Xasan Sh.

Sidoo kale waxaa ay si caro leh usheegtay in dowlada Soomaaliya ay qabsadeen sedex nin oo kaliya oo diyaarad iska raacaya sida ay hadalka udhigtay.

Arimaha kale ee ay kahadashay waxaa kamid ah wadahadalkii Somaliland iyo dowlada Soomaaliya oo ay ku tilmaantay mid cadaalad daro ah.

Caasho Axmed Cabdalla ayaa sidoo kale kahadashay arimo badan oo Xasaasi ah iyadoo taageertay Maamulka Jubbaland, geesina ku tilmaantay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland C/lahi Sh Ismacil Fartaag oo Nairobi lagu soo dhaweynayay

xildhibaanadHore-caasha

Idale News Online