Baydhabo(INO)- Waxa maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ka dhacey Banaanbax ballaaran oo lagu taagyeerayo Amniga isla markaana lagu diidanaa waxyeeleynta Shacabka Magaalada Baydhabo.
Banaanbax waxa ka Qiib qaadayey Ururka Haweenka Ee 10 Xaafadood Ee Degmada Baydhabo, kuwaasoo maanta Sacod ku marey Qaar ka mid ah Wadooyinka Waa weyn Ee Baydhabo isal markaana ku Qalinayey Hal ku dhigyo Aminiga Lagu taagyeerayo Iyagoona dhan kale ku qoyliyey Hal ku dhigyo Lid ku ah Maleeshiyada Al-shabaab kaas oo ahaa ” Gygoodiyow May nootary, Garmeelahan Gooy ming Galaanoh” .
Banaanbax waxa ka hadley Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin, Wasiirka Hub ka dhigista Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed ( Xasan Eelaay).
Ugu dambeyntii, Banaanbaxan ayaa waxa uu ku soo beegmaya Xilli Mudooyinkii dambe magaalada Baydhabo ka socodey Kullamo looga hadlaayey Amniga Guud Ee koonfur Galbeed Soomaaliya, ka dib markii bishii hore Labo qarax mataano ah lala Eegtey Dad Shacab ah oo aan waxba Galabsan.
Halkan Ka Dhageyso
Wariye Sidii Cali Muuse, Warbaahinta
Idale News Online, Baydhabo