Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, agaasimaha Gobolada Koonfur Galbeed Soomaliya, Maxamed Cali Aaden ( Qalinle),isagoona Si kulul ugu hadley Wareegto Shaley Ka Soo Baxdey Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowlaha Hoose C/raxmaan Ibraahim Aden (Sate) taasoo isla markaana Maamul Cusub looga Magacaawey Degmada Buurhakaba Ee gobolka Bay.
Agaasimaha Gobolada Koonfur galbeed Soomaalia, ayaa Sheegey in arintan wadashtiyo uusan lagala sameynin isaga iyo waxgaraddka Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay, taasoo uu sheegey in Wasiirka arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose uu dusha ugu keeney Dadka Degmada Buurhakaba Maamul uu sheegey iyaga raali ka ahayn.
Sidoo kale Maxamed Cali Aden (Qalinle), Agaasimaha Goboladda Koonfur Galbeed ayaa Waxa uu Wasiirka arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose uu ku eedeyey in uu xareer marey Wareegtadii Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Adenn uu ugu Magacaaweyey Agaasimaha Gobolka KGS , isla markaana Wasiirku isaga dhaqaaqaayo Wadatashiyo la’aan iyo Ka fiirsasho La’aan waxa kale uu tilmaamey in dhamaan Godoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka ay hoos imaanayaan.
Agaasimaha gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa uu Gollaha Wasiiradda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ka dalbadey in Shirka Khamiislaha Ah Ee Soo Socoda Loo Diido Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Maadama Uu Sheegey inuu iska Dhagatirey Wareegtadda Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ee uu Abooda u siineysey in lagala tashto dhismaha Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
” Waxaan Beenteynaya in aan waxba ka jirin Wareegtadii Shaley Ee Maamulka Looga Magacaawey Degmada Buurhakaba,Ma jirto Meel ay ogolaaneyso in agaasimihii Gobolada oo joogo oo la yirahado Gudi Nabad Galiyo ayaan Dhisney iyo Gudoomiye Degmo ayaan Magacowney, waxaas waa Bulyaardi waxba kama jiraan, yaan la isku deynin” ayuu yiri Agaasimaha Gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Cali Aaden Qalinle
Halkan Ka Dhageyso
Halkanka Ka Akhriso Wareegtadii Agaasimaha Gobolada Looga Magaacey Siyaasiga Maxmed Aaden Qalinle
Idale News Online, Xafiika Warqabadka Baydhabo