Dhageyso: Kooxda Alshabaab Oo La Baxay Hantidii Ku Jirtay Bakhaarada Ganacsiga Ee Garacad Ka Dib Markii Ay La Wareegeen

0
229

Garcad(INO)- Iyadoo makhribnimadii caawa maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab oo wata doonyo dhowr ah ay dhinaca badda kasoo galeen deegaanka Gacarad ee gobolka mudug oo hoos yimaada degmada Jariiban, ayaa hadda warar isasoo taraya oo aan ka helayno deegaankaas waxay sheegayaan in maleeshiyaadku ay dadka deegaanka la hadleen.

ilo xog ogaal ah ayaa noo xajiiyey in maleeshiyaadku ay dadka u sheegeen inaysan deegaanka Gacarad u socon ee ay ugu hakadeen sabab la xiriirta mid ka mid ah doonyaha ay wataan oo cilad uga timid, ayna ku mashquulsan yihiin sidii ay doontooda u samaysan lahaayeen.

Isgaarsiintii magaalada Ayaa Hada Ka Maqan  sidoo kale waxay damiyeen Layrkii magaalada, warar kale ayaa sheegaya inay shidaal iyo raashin kala baxeen bakhaarada Ku Yaala Magaalada

Maleeshiyaadku waxay wataan doonyo ay kasoo dhaceen dadka Kalluumaysato ah deegaanada xeebaha koonfurta gobolka mudug kuwaas  Sida La Sheegay

Maamulka  Puntland ayaa aad ugu mashquulsan warkaan soo yeeray ee ah in la xaqiijiyey in alshabaab ay Garacad la wareegeen.

Idale News Online, Garcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here