Dhageyso: Axmed Madoobe oo BBC wareysatay “Shabaab iyo Barre Hiiraale way wada joogaan waxayna sheegeen iney hal cadow leeyihiin”

0
188

Madaxweynaha maamulka muranka badan dhaliyay ee Jubbaland Axmed Madoobe oo u waramayay idaacada BBC, laanteeda afka soomaaliga ayaa sheegay in ay hayaan cadayn tusaysa in Hiiraale iyo Shabaab heshiis ku wada gaareen Jamaame.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in  maamulka Puntland ay ka doonayaan taageero dhan walba ah si ay u helaan awood weym.

Dhageyso: [audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/07/Axmed-Madoobe.mp3]

BBCWorldNews

Wuxuu sheegay in xitaa ay ka doonayaan ciidamo badan oo taageera maamulkiisa kana qeyb qaata nabad kusoo celinta magaalada Kismaayo oo dagaalo ay ka dhaceen.

“Puntlan waxaan uga baahannahay taageero dhan walba ah, ciidamo iyo dhaqaale intaba, waa maamulka sida hagar la aaneed u garab taagan maamulkeena Jubaland”

Dhanka kale waxa uu sheegay Axmed Madoobe in maamulka Jubaland aan cidna looga hibaysan doonin shaqeyntiisa, cid walba oo awood is badana ay iyaga dagaal kala hortagi doonaan.

Axmed Madoobe ayaa shalay tagay magaalooyinka Gaal-kacyo iyo Garoowe, halkaasi oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay.

Idale News Online www.idalenews.com