Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dar dar gelisay magacaabida Safiirada Soomaaliya ee dalalka caalamka ayaa waxaa dhowaan ay Safiiro u magacawday ilaa shan dal oo kala ah Itoobiya, Tanzania, Kenya, Malaysia iyo Belgium.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Khamiista soo socota shirka Golaha Wasiirada lagu horgeyn doono Labo Safiir oo look ala magacaabay Mareykanka iyo Qaramada Midoobey, iyadoo la bedelay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa IdaleNews.com u sheegay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey loo magacaabay Maxamed Abdirizak Abukar oo ah wiil uu dhalay Wasiirkii hore Waxbarashada, oo ah Madaxa Hey’ad fadhigeedu yahay Mareykanka oo lagu magacaabo NDI.
Sidoo kale waxaa iyana lagu wadaa in Golaha Wasiirada la horgeeyo Sahro Maxamed Cali Samatar oo horay Wasiiru dowle uga soo noqotay Xukuumadii Farmaajo, loona magacaabayo Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.
Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa dhalay Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya Jen. Maxamed Cali Samatar.
Magacabistan ayaa soo afjareysa qaybihii ugu danbeeyay ee magacaabista safiirada muhiimka, ee dalalka caalamka loo magacaabayo.
Idale News Online, Mogadishu