Dhageyso: Amaanka Magaalada Baydhabo Oo La Adkeeyay

0
174

Baydhabo(INO)- Ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada lasoo dhoobay ciidamo aad u farabadan oo loogu talagalay in ay adkeeyaan ammaanka magaalada Baydhabo.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lasoo dhoobay wadooyinka soo gala Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed  Soomaaliya iyo sidoo kale wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo oo dhan.

Gudoomiyaha Magaalada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin ayaa sheegay in sababta loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo in ay tahay doorashada xubnaha Aqalka Hoose oo maalmaha soo socda ka dhaci doonto Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha ayaa sheegay in sugitaanka ammaanka ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya , kuwa Koonfur Galbeed iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Halkan Ka Dhageyso