Guriceel (INO) – Maamulka Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa diiday Fulinta Qeyb ka mid ah Heshiisyadii ay Dowladda Federal-ka ah kula Galeen Guriceel.
Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Talada Maamulka Ahlu-sunna eek u Sugan Guriceel C/laahi Gureey ayaa sheegay in uusan Maamulkoodu Heshiis ku Gelin in ay Malleyshiyaadka ka Saaraan Magaalada isla markaana ay Geeyaan meelo Banaanka ka ah Degmada.
Ciidankii DFS ee kula Dagallamay kuwa Ahlu-sunna Degmada Guriceel ayaa ka Baxay Degmada Fuliyeyna Go’aankii uu soo Saaray Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Shiikh Cali Diini.
Dhanka Ahlu-sunna waxaa ay Sheegeen in aysan Sinaba Raali uga Noqon Karin Go’aan ay ku sheegeen mid si aan Sharci aheyn u dhacay oo Dowladdu ay Keensatay.
Idale News Online – Guracel