Baraawe (INO) –– Duqeymo dhanka Cirka ah ayaa Goor-dhow waxay ka dhaceen Deegaanno ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Diyaarado kuwa aan Duuliyaha wadin (Drones) ayaa Duqeeyay Deegaanada Tooratoorow oo hoostaga Degmada Qoryooley iyo Deegaanka Ambareeso oo ku yaalla Duleedka Degmada Baraawe.
Labo Duqeymo ayaa waxaa lala eegtay Goobo Xeryo Tababar u ah Kooxda Al shabaab, sida uu Idale News Online u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Nuur Siidii.
Lama oga illlaa Hadda Khasaaraha Duqeymo, waxaana aad u adag in Xogta Deegaanada Al shabaab si rasmi ah loo helo, iyadoo Dadka Deegaankana ay ka baqayaan inay Warbaahinta la hadlaan.
Wiixii kusoo kordhaa Duqeymaha kala soco Radio Idale iyo Idale News Online
Idale News Online – Muqdisho