Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose Shaacir Cabdi Cilmi ayaa sheegay in ay Xaaladda Degmada Tahay Hadda Mid Wanaagsan oo laga Hir Galiyay Xarumo Caafimaad.
Gudoomiye Shaacir Cabdi ayaa sheegay in hadalka Al-shabaab ee ah in Baraawe ay Go’doomiyeen uusan waxba ka jirin,waxaana uu hadlkiisa ku daray in Gaadiidka Dadweynaha ay soo galaan Magaalada,kana baxaan.
Gudoomiyaha Degmada Baraawe ayaa sidoo kale sheegay in Amaanka Degmada uu yahay mid wanaagsan oo Ciidamada Amaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Xaqiijiyeen.
Gudoomiyaha Baraawe ayaa waxaa uu intaasi ku Daray in ay wada shaqeyn Wanaagsani ka Dhaxeeysa maamulka iyo Shacabka
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baraawe