Daawo:1,300 oo ruux oo ku Dhimatay Dalka Nepel ka Dib Dhul Gariir ku Dhuftay

0
284

Napel(INO)-In ka badan 1,300 oo ruux ayaa ku geeriyootay dhul gariir aad u xoogan, kaasoo ku dhiftay dalka Nepal, iyadoo dhul gariirkan oo cabirkiisu ahaa 7.8 uu sababay bur bur aad u baaxad weyn.

Magaala madaxda Nepal ee Kathmandu oo ay degan yihiin ilaa hal milyan oo ruux ayuu dhul gariirku si aad ah u saameeyay, kaasoo bur buriyay dhismayaal fara badan.

Dowladda Nepal ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah goobaha uu ka jiro dhul gariirka, waxaana ay dalbatay kaalmo caalami ah, kadib markii dhul gariirku uu bur buriyay dhismayaal la degan yahay.

Kooxaha gurmadka deg dega ayaa dadka ka soo bad baadinayay dhismayaasha hoostiisa, waxaana suura gal ah in khasaaraha uu sii kordho.

Dhul gariirka ayaa ahaa kii ugu xumaa ee soo mara dalka Nepal, isla markaana uu sababa dhimasho aad u fara badan iyo bur bur lixaad leh.

dhul-gariir-6dhul-gariir-5dhul-gariir-4dhul-gariir-3dhul-gariir-2dhul-gariir-1

Idale News Online, Nepel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here