DF Soomaaliya oo Diyaarad Sido Gaargaar u dirtay Degmadda Xudur Ee Gobolka Bakool.

0
182

Diyaarad siday Cunto Gar-Gaar ah ayaa Maanta oo Talaado ah ka degtay Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaasi oo Mudo Saddex Bilood ah ay Gaajo & Macluul daran ka jiraan.

 Diyaaradda oo u kireysan Dowladda Federaalka ah ayaa ka duushay Saakay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay la socdeen Saraakiil Ciidan & Xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Bakool.

Markii ay tagtay Xudur, waxaa Garoonka Magaalada ku sugayay in uu Raashiinkaasi Samafalka ah la wareego Madaxda Maamulka Gobolka Bakool, oo ay kamid yihiin Gudoomoyaha Gobolka Maxa’ed Cabdi Tool & Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxa’ed Macalin Axmed.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Hal Diyaarad oo Raashiin ah aysan ku filnayn Dadka dhibaataysan, oo Xaaladda adag ku sugan tan iyo markii ay Al shabaab billaabeen Go’doominta Degmooyinka Xudur, Rabdhuure, Waajid, Ceelberde, Yeed & Deegaanno kale oo Ciidamada DFS & AMISOM ay la wareegeen Bishii Maarso.

Maamulka Gobolka Bakool, ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya & Hay’adaha in Gaajo & Macluul daran ay haysato Shacabka, sidaasi darteedna loo baahan yahay in dhanka Cirka loo mariyo Raashiinka inta laga sugayo Amaanka Wadooyinka.

Kooxda Al shabaab ayaa ugu hanjabay Baabuurkii Raashiin geeya Degmooyinka ay Ciidamada DFS & AMISOM ku suganyihiin ee Gobolka Bakool in ay la wareegi doonaan Gaariga,sidoo kalena ay dili doonaan Darwalka, waxaana taasi oo keentay in Wax Raashiin ah laga waayo Degmooyinkaasi oo Shacabkuna u horseeday in ay soo wajahaan Cunto & Dawo la’aan.

diyaarad

Idale News Online, Xudur Bakool.