Muqdisho(INO)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya C/salaan Hadliye Cumar, ayaa waxa uu sheegay inay Dowladda Somaliya soo dhaweyneyso dib u soo celinta qaxootiga Somaliyeed, ee ku jira xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Wasiirka, ayaa ku waramaya in qaxootiga ay ka soo kala jeedaan deegaano kala duwan, lana hubiyo in deegaanadoodu ay nabdoon yihiin iyo in kale, si aynaan hadhow dhibaato kaga imaan dhul aan xasiloonayn.
Isagoo la hadlaayay laanta afka Somaliga ee BBC, ayuu tilmaamay inaanu jirin codsi ku aadan dib u celinta qaxootiga, oo kaga yimid Dowladda Kenya, marka laga soo taggo inay Warbaahinta uun ka maqleen.
Laakiin wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya ay markasta diyaar u tahay in Dowladda Kenya iyo Qaamada Midoobe kala hadasho, arrinta la xiriirta dib u celinta qaxootiga Somaliyeed, sida uu yiri.
Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in Dowladda Kenya ay si khasab ah ku celin karto qaxootiga, haddii ay dhammaato saddexda bilood ee Kenya Qaramada Midoobe kaga dalbatay in dalkoodu loogu celiyo qaxootiga.
Tani, ayuu sabab kaga dhigay iyadoo Kenya uu yahay dalka shaci ku dhisan, isla-markaana ilaaliya xuquuqda aadanaha, isla-markaana aynaan u maleynayn in Kenya xoog ku celin doonto qaxootiga.
Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya William Ruto, ayaa ku goodiyay in Dowladda Kenya ay xoog ku celin doonto qaxootiga, haddii mudada saddexda bilood ay Qaramada Midoobe ku guul dareysato, inay dib ugu celiso qaxootiga Somalida ah, sida uu yiri.
Idale News Online, Muqdisho