Maanta ayaa la filayay in magaalada Nairobi uu ka dhaco shir ay isugu imaan lahaayeen Dowladaha Somalia iyo Kenya, si ay uga wada hadlaan dib u celinta Qaxootiga Soomaaliya & Hay’da UNHCR, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in DF Somalia, ay diiday ka qeyb galka shirkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ka ag dhow dhinacyada ka qeyb gali lahaa shirkaas.
Wasaarada arimaha dibada Somalia, ayaa warqad ay soo saartay, waxaa ay ku sheegtay, ineey cabasho ka qabaan dadka laga raafayo dalka Kenya ee qaarkood dib loogu celiyay Muqdisho.
Warqadaan kasoo baxday wasaarada arimaha dibada Somalia, ayaa waxaa lagu sheegay, in qab qabshada lagu haayo Somalida Keny iyo Tarxiilkoodaba uu khilaafsanyhay Xeerarka Caalamiga ah ee Qaxootiga, waxayna xuseen, in heshiiskii Chineva ee la saxiixay sanadkii 1951 iyo kii midowga Afrika ee la saxiixay 1969 iyo waliba heshiiskii 3 Geesoodka ahaa ee Kenya, Somalia iyo QM ay saxiixeen.
Warqada kasoo baxday wasarada arimaha dibada Somalia, ayaa sidoo kale lagu xusay, in DF aysan duruufahaas kor aan kusoo xusnay dartood aysan ka qeyb gali karin shir lagu qabanayo Nairobi oo looga hadlayo dib u celinta Qaxootiga.
Idale News Online, Nairob.