Xildhibaanada dowladda federaalka ee ka soo jeeda deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa maanta martiqaad qado sharaf ah u sameeyey wafdiga madaxada dowlad goboleedka koonfur galbeed isla markaana labada dhinacba yeeshey Shir Muhiim ah oo ay ku wada tashanayeen madaxda dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo xildhibaanada dowlada federaalka ee ka soo jeeda deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed, shirkan oo lagu qabtey Hoteelka caanka ah ee Central Hotel ee magaalada muqdisho, ayey uga wada hadleen dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka bulshada ku dhaqan deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed.
Dood dheer, falanqeyn iyo aragtiyo kala duwan oo shirkaasi lagu soo bandhigey ka dib, waxay mas’uuliyiinta labada dhinac isla meel dhigeen qodobada soo socda:
1. In la adkeeyo midnimada bulshada ku nool deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed.
2.In la abuuro jawi is faham isla markaana wada hadal lagu xaliyo wixii kala aragti duwanaasho ah ee u dhexeeya bulshada deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed.
3. In waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed ay u midoobaan sidii ay dowladda federaalka ugala xaajoon lahaayeen xuquuqda dadweynaha deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed.
4.In hal meel loogu soo wada jeesto wixii carqalad ku ah deganaasha iyo hor marka deegaanada dowlad koonfur galbeed.
5.In gar gaar deg deg ah oo wax ku ool ah lala gaaro dadka ay dhibaatada iyo macluusha ku haysato qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed.
Shirkan waxaa ka qeybgaley:-
A. dhinca Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya:
1. Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.
2. Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi Dheere
3. Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow
4. Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdullaahi Xuseen
5. Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed
6. Xildhibaan Cabdi Macalim Aadan
7. Xildhibaan Luul Cabdi Aadan
8. Xildhibaan Xabiibo Maxamed Kheyr (Deerey)
9. Xildhibaan Maxamed Rashiid Sh. Daahir
10. Xildhibaan Cali Aadan Xuseen (Eylow)
11. Xildhibaan Maxamed Cusmaan Isaaq (Fanax)
12. Xildhibaan Dr. Maxamed Cabdi Cali
B. Dhinaca Wafdiga Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed:
1. Mudane, Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
2.Mudane, Maxamed Xasan Maxamed Faqi, Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
3.Mudane, Sheekh Qaasim Ibraahim nuur, Wasiirka Wasaaradda Amniga.
4. mudane maxamed cabdu lahi mursal wazirka hormarinta iyo iskaashiga caalamiga ah
5. Mudane, Aadan Xasan Maxamed (Usaama) Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.
6. Medane, Maxamed Macalim Aadan (Murun), Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dejinta.
7. Mudane, Macalim Maxamuud Maxamed Aadan (Jiis) Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
8. Murwo, Faadumo C/raxmaan Maxamed (Guul Wade) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
9. Mudane, Ismaaciil Mustafa Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
10.Mudane, Nuur Sheekh Xuseen Cadow (Nuur Madaxey) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.
11.Mudane, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Af-hayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
12.Mudane, Yuusuf Macalim Maxamed, Guddoomiyihii hore ee Degmada Berdaale Xubin Wafdiga.
13.Mudane, Cabdalla Kheyraad Guuleed, Xubin Wafdiga.
Idale News Online, Muqdisho.