Dhageyso: Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool oo Qarka u Saaran in ay ka Go’do Bakool Intiisa Kale, Sababtu Maxay Tahay?

0
284

Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa Shaaciyay in ay Doonayaan in ay ka Go’aan Gobolka Bakool kuna Biiraan Gobolka Baay Sababo jira Awgood.

Teaser Image Waajid oo Qarka u Saaran in ay ka Go’do Bakool

Gudoomiyaha Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, C/llahi Adan Yariisow ayaa sheegay in ay U Sababeynayaan Go’aanka ay ku doonayaanin ay ka Go’aan Gobolka Bakool, Kedib Degmada oo aan Amaankii ay u Baahneyd Heysan.
Halkan Ka Dhageyso

Degmada Sooma Galaan Adeegyadii ay u Baahnaayeen, Cabsi laga qabo Maleyshiyada Al-shabaab oo Go’doomin ku Heysa Magaalada.

Maamulka Gobolka ayuu sheegay in aysan sidii la Rabay uga Jawaabin Codsiyadii ay u Dirsadeen ee ahaa in uu Maamulku isu Furo Deegaanada Gobolka, kuwaa oo Hadda kala Xiran oo aysan dadku Awoodin in ay Ganacsiyo isu Gudbiyaan.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in uu Dadka Degmada la Wadaagi doono Go’aanka looga Go’ayo Bakool looguna Biirayo Baay, kuwaa oo uu sheegay Gudoomiyuhu in ay Intooda Badan Doonayaanin ay ku Biiraan Baay.

Labada Gobol waxaa intooda Badan Maamula Dowladda Hadana waxaa jira weli in Bakool aysan isu Furneyn, halka Baay Deegaanada ay Dowladdu ka Maamusho.

Idale News Online, Waajid, Bakool