Imaamka Beelaha Habargidir Imaam C/laahi Khaliif Rooble, ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Puntland ay ku kala saxiixdeen Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaasi, kaasi oo qodob kamid ah qodobadii lagu heshiiyay dood badan laga keenay.
Imaamka Beelaha Habargidir, ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid aan sax aheyn, maadaama meesha ay ka muuqato qaladaad weyn oo ku aadan sida heshiiska uu udhacay iyo in Gobolka Mudug la kala qaybiyo sida uu yiri Imaamka.
“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu sameeyay waa arin qiyaano ah aniga ma garanaayo waxa uu uga dan leeyahay qof umadda matalaayana heshiis noocaasi ah ma saxiixi karo”Ayuu yiri Imaamka Beelaha Habargidir oo la hadlay Idaacada Risaala.
Waxa uu dul istaagay qodobka sheegaayo in maamulka Gobolada dhexe ee dalka loo dhisaayo Gobolka Galgaduud iyo qayb kamid ah Gobolka Mudug, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid qiyaano qaran ah, maadaama Gobolka Mudug inta badan dadka dega ay yihiin dadka Gobolka Galgaduud kasoo jeeda.
Imaamka Beelaha Habargidir Imaam C/laahi Khaliif Rooble, ayaa tilmaamay in heshiiskii ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya 30-kii July ee sanadkaan uu meesha yaalo, sidaasi awgeedna heshiiska Garoowe lagu soo saxiixay uusan aheyn mid sax ah.
“Wax heshiis ah oo dhacay ma jiraan heshiiskaasi Madaxtooyada ayuu ka dhacay Saxaafada dhan wey joogtay labadaasi Gobol maamul Goboleed ayaa loo dhisaayo cid looga heybeesanaayo ma jirto”Ayuu hadalkiisa raaciyay Imaamka.
Isaga oo hadalka siiwata ayaa Imaam C/laahi Khaliif Rooble, wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya inuu abaabulaayo dagaal qabiil, oo la isaga horkeenaayo dadka Gobolka Mudug, dega wuxuuna sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya laga rabo inay arkaan dhibaatada uu geystay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
“Dagaal qabiil iyo dhibaato ayuu abaabulayaa, qabiiladii Soomaaliya ayuu iska horkeenayaa, marka waxaan leeyahay arintaan dowladda Federaalka Soomaaliya ha aragto Cabdi Wali waxa uu sameynaayo”Sidaasi ayuu warkiisa sii raaciyay Imaamka Beelaha Habargidir.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Magaalada Garoowe ku soo saxiixay heshiis dhigaayo in maamulka Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya uu ka koobnaado Gobol iyo bar halka Mudug qeybteeda waqooyi ay Puntland ka talinayso