DEG DEG:Dagaalkii Maanta dib uga Qarxay Gaalkacyo iyo Khasaare kala duwan oo ka dhashay

0
221

Galkacyo(INO) — Ugu yaraan toddoba ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan tobaneeyo qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo cusub oo maanta dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkan oo u dhexeeya ciidammo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli shalay ay heshiis Gaalkacyo ku kala saxiixdeen labada madaxweyne ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Puntland, C/weli Gaas.

Sidoo kale, wararka la helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in madaafiic culus ay dhinacyadu ku dhaafsanayaan bartamaha Gaalkacyo, iyadoo hoobiyeyaasha la is-weydaarsanayo ay ku dhaceen qaarkood xaafado ay shacab ku nool yihiin, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray shacabka.

Isbitaallada magaalada Gaalkacyo ayaa la geynayaan dhaawacyada ciidamada dagaalku u dhexeeyo, iyadoo war-saxaafadeed uu maamulka Galmudug maanta soo saaray lagu xusay in dagaalka Gaalkacyo maanta ka qarxay uu ka billowday weerar ay ciidanka Puntland soo qaadeen.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay in uu dagaalku weli ka socdo bartamaha magaalada, madaafiic culus iyo rasaasta noocyadeeda kala duwan ahna ay dhacayso.

Dagaalkan ayaa noqnoaya kii sadexaad oo Gaalkacyo ku dhexmara ciidamada kala taabac-san Puntland iyo Galmudug muddo laba toddobaad gudahood ah ku dhexmara magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug.

Waxaa kaloo, wararku ay sheegayaan in wafdigii RW Somalia uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen wasiirro iyo madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ay ku sugan yihiin haatan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, iyagoo isku diyaarinaya inay ka baxaan magaalada.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaalka ka Qarxay Gaalkacyo, iyadoo weli ay jiraan baaqyo lagu doonayo in colaadda lagu qaboojiyo oo kasoo baxaya waxgaradka iyo ganacsatada ku nool magaalada Gaalkacyo.

Wixii warar ah ee kasoo kordha Dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Idale News Online  haddii ALLE ogolaado.

Idale News Online, Galkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here