Muqdisho(INO)- Ergeyga gaarka ah ee urur goboloeedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inuu si foolxun oo bahdilaad, hanjabaad iyo canaan ah uu ula hadlay madaxda iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed xilli ay ayaguna madax hoos u raaricinayeen.
Ergeyga gaarka ah ee urur goboloeedka IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danijire Maxamed Cabdi Afeey ayaa waxaa la sheegay inuu si foolxun oo bahdilaad iyo hanjabaad ah uu ula hadlay madaxda Soomaaliyeed xilli ay ayaguna sidii Caruur uu abaahood canaananaayo ay madaxa hoos u wada rogteen, Danijire Maxamed Cabdi Afeey oo ka mid ah madaxdii ka qeyb gashay heshiis labada maamul ee Puntland iyo Galmudug lagu dhex dhigaayey magaalada Gaalkacyo ka dib dagaal dhawaantaan ku dhexmarey magaaladaas labadaas maamul ayaa waxaa uu ugu hanjabay madaxda Soomaaliyeed in dhawaan la arki doono kuwo la horgeeyo maxkamada dambiyada dagaalka ee ku taal magaalada The Hague ee dalka Holland, sidoo kale ayuu Danjire Afeey waxaa uu ku yiri madaxda Soomaaliyeed hadii aydan dadka iyo dalka maamuli karin u baneeya shacabka Soomaaliyeed ha doortaan dad kale.
Ugu dambeyntiina iyadoo Danjire Afeey oo muuqday inuu ku hadklaayey magaca beesha caalamka uu si foolxun oo masuuliyad daro ah uu ula hadlay madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya ayaa waxay arintaan marqqaati cad ay u tahay sida uu dalka Soomaaliya uu faraha uga baxay oo ay awoodiisa ay u maroorsadeen wadamo Shisheeye, Run ahaantii waxaa wax lala yaabo ah in madxda Sare ee dalka Soomaaliya ay noqdaan kuwa u muuqday inaysan lahayn wax damiir ah oo ku saabsan hadaladaas aysan mudneyn in lagula hadlo, Laakiin qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa si wen u soo dhaweeyey hadalada Danjire Afeey ayagoona ku tilmaamay kuwo run ah oo u baahana in loo sheego madaxa Soomaaliyeed.