DEG DEG:Ciidamada Itoobiya Oo Dhamaan Laayey Kooxdii Soo weerartey Madaxtooyad KGS

0
230

Baydhabo(INO)-War degdeg ah oo naga soo Gaaray Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay laayeen kooxdii weerarka soo qaadeen isla Markaana Ka Tirsanaa kooxda Al-shabab ee soomaaliya.

Laba Gaari iyo Ciidan Lebisnaa Dharka Ciidanka Dowladda ayaa Galay Xarunta, ka hor inta aysan Rasaas Xoog leh oo ay is dhaafsadeen Ilaalada Madaxtooyada oo Itoobiyaan u badan iyo Ragga Weerarka Fuliyey.

mid ka mid ah kooxda weerarka soo qaadey ayaa galey guriga Malaaq xasan Shurre maxamud isla markaana waxaa ka soo baxayo warar is khilaafsan ee ku aadan khasaaraha dhabta ahe ee weerarkaasi.

Ilaa iyo Hadda waxaa Xaqiijiyey Qasaaraha inuu gaarayo 10 ruux waxaase Wararku sheegayaan in uu jiro qasaare dhimasho oo ay Ciidanka Itoobiya iyo kuwii Weerarka qaaday u Badanyihiin.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la sheegay in uu ku Sugnaa Madaxtooyada Marka uu Weerarku Billowday hadana lama oga Halka uu ku Dambeeyo.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here