Baydhabo(INO)-warar dheeraad ah ayaan ka soo baxaya weerar culus oo kooxda al-shabaab ay qaadeen xarunta madaxtooyada dowlada koonfur galbeed soomaaliya.
kooxda ayaa weerar ku galiyey gudaha xarunta ayagoon diley ilaaladii afaafka hore ee madaxtooyad ka dib gaari walxaha qarxa ah halkaasi ku qarxey, tiro ka tirsan kooxda weerarteya ayaa durba galey, xafiiska wasaarada waxbarashda iyo goobta ay deganaayeen odayaasha Koonfur Galbeed.
Goob joogiyaal ayaa u sheegey Idale News Online in mid ka mid ah uu galey gurirga malaaq xasan shure maxamuud ilaa iyo haatan waxa ka soo baxaayo warar is khilaafsan oo ku aadan khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi, isla markaana waxa hada halkaas isku geedaamiyey ciidmada Amisom ee itoobiya.
shaqaaliyaal ka tirsan wasaaradaha Dowlada KGS iyo dad fara badan ayaa ku geeriyoodey wararka maanta sidoo kale odayaal ayaa l soo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen iyo ka soo gaarey, wararkii kooxda al-shabab ee soomaaliya.
Idale News Online, Baydhabo