Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyey Weerarkii Madaxtooyada Dowlada KGS

0
189

Baydhobo (INO) — Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Culus oo ka dhacay Maanta oo Khamiis ah Xarunta Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed ee uu Madaxweyne u yahay Shariif Xasan.

Teaser Image Fah Faahin: Madaxtooyadda Shariif Xasan ee Baydhobo oo la weeraray

Weerarka ayaa ku billowday Gaari lagu qarxiyay Albaabka, waxaana xigay Rasaas xoogan oo Raggii Weerarka soo qaaday iyo Illaada ay is dhaafasadeen, iyadoo markii dabena uu sii xoogeystay Gudahana la iskula galay.

Ugu yaraan 9 Ruux, oo kala ah Labo Askari oo Itoobiyaan ah, 4 Al shabaab ah iyo 3 kamid ah Ciidanka Maamulka Shariif Xasan, ayaa ku dhintay weerarka sida uu Idale News Online u sheegay Mas’uul kamid ah Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa istaagay markii la toogtay Raggii Weerarka soo qaaday, oo Gudaha mudo kuu dagaalamayay, waxaana laga qaaday Goobta dadkii dhaawacmay iyo Meydad badan.

Idale News  Online –  Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here